Agaasime Abdiwali Mohamed Ahmed oo Golaha Wakiilada Galmudug horgeeyay Hindise-Sharciyeedka Nidaamka Caafimaadka

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa si rasmi ah Golaha Wakiilada Galmudug u horgeeyay hindise-sharciyeedka nidaaminta iyo rukhsad-siinta mihnadlayaasha iyo xarumaha caafimaadka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso hannaan sharciyeed oo lagu hago maamulka xirfadlayaasha iyo xarumaha caafimaadka, si loo xaqiijiyo tayada adeegyada, heerka aqoonta iyo xirfadda adeeg bixiyeyaasha, iyo nidaam cad oo rukhsad-siineed.

Agaasimaha ayaa isagoo ka hadlayay Golaha Wakiilada Galmudug yiri:

“Hindise-sharciyeedkan waxa uu muhiim u yahay tayeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee Galmudug, wuxuuna wax weyn ka tari doonaa nidaaminta iyo kor u qaadista tayada adeeg bixinta caafimaadka.”

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa xusay in hindise-sharciyeedkan uu ka jawaabayo baahiyaha dhabta ah ee ka jira xarumaha caafimaadka, isla markaana uu xoojin doono isla-xisaabtanka iyo hufnaanta nidaamka caafimaadka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya:

Xoojinta isla-xisaabtanka iyo hufnaanta adeegyada caafimaadka
Kor u qaadista kalsoonida bulshada ee adeeg bixinta caafimaadka
Ilaalinta xuquuqda bukaanka iyo tayeynta adeegyada

Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaa ka codsaday Golaha Wakiilada Galmudug in ay ansixiyaan hindise-sharciyeedkan, si uu u noqdo sharci rasmi ah oo lagu horumariyo nidaamka iyo tayada adeegyada caafimaadka ee Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...