Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo soo xiray tababar ku saabsan cudurrada dhallaanka iyo carruurta

Date:

Dhuusamareeb, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah ugu soo xiray tababar ku saabsan Maareynta Isku-dhafan ee Cudurrada ku dhaca Dhallaanka iyo Carruurta (IMNCI), kaas oo loo qabtay shaqaale cusub oo ka howlgala xarumaha caafimaadka ee uu taageero mashruuca COVID-19.

Tababarkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha howlwadeenada caafimaadka, iyadoo la baray habraacyada caalamiga ah ee maareynta iyo daaweynta cudurrada dhallaanka iyo carruurta.

Agaasimaha Guud ayaa munaasabadda xiritaanka tababarka ka jeediyay hadal dardaaran ah, isagoo ku booriyay ka qeybgalayaasha in ay si hufan ugu dabaqaan aqoonta ay barteen goobaha ay ka howlgalaan, isla markaana ay la wadaagaan shaqaalaha kale si loo ballaariyo faa’iidada tababarka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa guddoonsiiyay shahaadooyin ay ku mutaysteen ka qeybgalayaasha, taas oo muujineysa dhammaystirka tababarka iyo diyaar u ahaanshahooda in ay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...