Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo soo xiray tababar ku saabsan cudurrada dhallaanka iyo carruurta

Date:

Dhuusamareeb, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah ugu soo xiray tababar ku saabsan Maareynta Isku-dhafan ee Cudurrada ku dhaca Dhallaanka iyo Carruurta (IMNCI), kaas oo loo qabtay shaqaale cusub oo ka howlgala xarumaha caafimaadka ee uu taageero mashruuca COVID-19.

Tababarkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha howlwadeenada caafimaadka, iyadoo la baray habraacyada caalamiga ah ee maareynta iyo daaweynta cudurrada dhallaanka iyo carruurta.

Agaasimaha Guud ayaa munaasabadda xiritaanka tababarka ka jeediyay hadal dardaaran ah, isagoo ku booriyay ka qeybgalayaasha in ay si hufan ugu dabaqaan aqoonta ay barteen goobaha ay ka howlgalaan, isla markaana ay la wadaagaan shaqaalaha kale si loo ballaariyo faa’iidada tababarka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa guddoonsiiyay shahaadooyin ay ku mutaysteen ka qeybgalayaasha, taas oo muujineysa dhammaystirka tababarka iyo diyaar u ahaanshahooda in ay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...