Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo hore ugu dagaallamay gobolka Mudug, kaas oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin, isimada dhaqanka, cuqaal, saraakiil ciidan, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo haween ka kala socday beelaha Leelkase iyo Sacad.

Shirkan oo muhiim ah ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo gogosha uu dhigay Xildhibaan/Wasiir Maxamed Faarax Nuux.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, xoojinta wada noolaanshaha bulshada, iyo horumarinta deegaanada ay wada degaan labada beelood. Sidoo kale, kulanka ayaa xoogga lagu saaray dardargelinta iskaashiga bulshada, xoojinta amniga, ka hortagga colaadaha soo noqnoqda, iyo kor u qaadidda wada shaqeynta dhinacyada dhaqanka, siyaasadda iyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka soo jeeda labada beelood ayaa door muuqda ka qaatay kulanka, iyagoo si wadajir ah ugu baaqay in la ilaaliyo nabadda, lana xoojiyo midnimada iyo is-aaminaadda bulshada.

Dhankooda, isimada dhaqanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada hadal iyo isfaham joogto ah, halka saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga ay ballanqaadeen inay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga iyo taageeridda dadaallada nabadeed.

Gabagabadii, dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka ayaa isla qaatay is-afgarad buuxa iyo qodobo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni, iskaashi bulsho iyo horumar ka hirgala deegaanada ay wada degaan beelaha Leelkase iyo Sacad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...