Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Cumaan 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muscat Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee Cumaan, Said bin Hamoud Al Maawali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta, iyo ICT-ga, si loo horumariyo isku xirnaanta, laguna taageero isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya, loona dardargeliyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Labada wasiir waxay isla qaateen sida ay uga go’an tahay inay sii qoto dheereeyaan wada-shaqeynta hay’adaha, isla markaana ay ballaariyaan iskaashiga.

Arrimaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa fududeynta ka-qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xoojinta isku-duwidda hay’adaha farsamada si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah.

Tallaabadan waxay la jaanqaadaysaa himilada ballaaran ee Soomaaliya ee ah inay noqoto xarun gobolka u ah ganacsiga, isku xirnaanta, iyo hal-abuurka dijitaalka ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo lagu...

Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha XFS oo soo gebogebeysay wejiga 2-aad ee wadatashiga Qaran

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...