Wasiirka Warfaafinta XFS โ€œAqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Federaalka ay si adag u diidday goโ€™aanka Israaโ€™iil ay ku aqoonsanayso Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub khatar ah oo ka dhan ah axdiyada caalamiga ah iyo midnimada dalka.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka Al Jazeera ayaa xaqiijiyay in dowladda aysan u tanaasuli doonin ilaalinta badqabka dhulkeeda, iyadoo adeegsanaysa caddaadiska dublamaasiyadeed iyo taageerada ballaaran ee caalamiga ah ee ay heshay qadiyadda Soomaaliya.

Mudane Daaโ€™uud Aweys ayaa yiri: โ€œWaxaan aaminsanahay in tani ay tahay calaamad cusub oo muujinaysa xadgudubyada ay Israaโ€™iil ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda,wuxuuna intaa raaciyay in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan dhulkeeda la taaban Karin.

Wasiirka Warfaafimta waxa uu xusay in tallaabada Israel loo arko xadgudub cusub oo dalkaasi uu ka galay madaxbannaanida Soomaaliya, taas oo si qayaxan ay u diiddab tahay Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay tallaabooyinka ay dowladda qaadi doonto si ay uga jawaabto goโ€™aankan, wasiirka ayaa yiri โ€œ Waxaan ku caddeynay bayaan naga soo baxay saddex maalmood ka hor in ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda

aysan aqbali karin dawladda Soomaaliya. Waxaan sidoo kale xaqiijinnay in mudnaanta koowaad ee dawladda ay tahay in arrintan lagula tacaalo marinno dublamaasiyadeed,taas oo dhab ahaantii bilaabatay 26-kii Diseembar, markaas oo ahayd taariikhdii ay Israaโ€™iil aqoonsatay Somaliland.

โ€œWeli waxaan ku kalsoonnahay marinnada dublamaasiyadeed si aan u hubinno in arrintani aysan sii socon. Waxaan horeyba taageero wanaagsan uga helnay daafaha dunida, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, tiro dalal Islaam ah, Ururka Midowga Afrika iyo ururro kale oo caalami ah kuwaas oo tallaabadan u arka xadgudub ka dhan ah midnimada dhulka Soomaaliyaโ€ ayuu yiri wasiirka .

Wasiirka oo ka hadlayay isku dayada Israaโ€™iil ee lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka iyo saameynta ay ku leedahay gudaha, ayaa intaas ku daray: โ€œSida aan horay u sheegay, marinnada dublamaasiyadeed waa mudnaanta koowaad ee ay dawladda Soomaaliya ka fikirayso. Waxaan dabcan arrinkaas u mareynaa xiriirka aan la leenahay Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee caalamiga ah. Waxaan dhab ahaantii ku faraxsanahay in dalal badan ay nagu raaceen in tani ay ka dhigan tahay xadgudub ku ah madaxbannaanidayada iyo midnimada dhulkayaga. Waxay sidoo kale calaamad u tahay isku dayga Israaโ€™iil ay ku doonayso inay xiisad iyo iska horimaadyo ka abuurto gobolka. Waxaan aaminsanahay in xitaa maamulka Somaliland ay jiraan masโ€™uuliyiin yar oo riixaya fikraddan ah in la aqoonsado Israaโ€™iil, balse waxaan sidoo kale aaminsanahay in shacabka Somaliland ay qabaan raโ€™yi ka duwan, dhab ahaantiina aysan ku raacsanayn goโ€™aankan gardarrada ah ee ay qaadatay xukuumadda Israaโ€™iil.โ€

Wasiirka Warfaafinta ayaa hadalkiisa kusoo xiray digniin ku saabsan in dalku ku dhex dhaco iska horimaadyo cusub oo caqabad ku noqda dadaallada qaranku ugu jiro la dagaallanka argagixisada, isagoo yiri: โ€œIsqabqabsi kasta ama dhib kasta oo adduunka ka dhaca, Soomaaliya waxay aaminsan tahay in dariiqa keliya ee xalku u maro ay tahay dublamaasiyadda. Ma doonayno iska horimaadyo hor leh oo ka dhaca gobolka; waxaan soo maray tiro ku filan oo dagaallo ah iyo dagaalladii sokeeye, waxaana intaas dheer in Soomaaliya ay dadaal hagar laโ€™aan ah ugu jirto sidii looga guuleysan lahaa caqabadaha ka jira gobolka oo ay horseedka ka yihiin kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo ururka Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...