Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika. Kulankan ayaa ka qabsoomay magaalada Washington, DC, xilli uu halkaas ka socdo shirka xilliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka, oo sanad kasta la qabto waqtigan oo kale.
Shirkan oo leh muhiimad gaar ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee laf-dhabarta u ah kobaca dhaqaale ee dalalka gobolka, kuwaas oo door weyn ka qaata xoojinta is-dhexgalka ganacsiga iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.
Intii uu shirku socday, Wasiirrada Maaliyadda ee ku mideysan madashan ayaa si qoto dheer u falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo iskaashi dhow si loo horumariyo isku xirnaanta ganacsiga, gaadiidka iyo adeegyada kale ee dhaqaalaha.









