Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

Date:

WAR SAXAAFADED.

FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday Tallaabo Israa’iil Ku Wajahan oo Wax u Dhimaysa Madaxbannaanideeda iyo Midnimadeeda Dhuleed ee Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ee ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo diraayo gobolka waqooyi ee Soomaaliya, Somaliland.

Tallaabadan waxay si toos ah u jebinaysaa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay si cad uga hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo si aan mugdi lahayn u aqoonsan Soomaaliya inay tahay hal dal oo madax-bannaan, midaysan, oo aan la kala qaybin karin gudaha xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u diiddan tahay isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda Dowladda Federaalka.

Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qorshe kasta oo lagu muujinayo inay tahay maamul gaar ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya ma laha wax sal sharci ah, wuxuuna wiiqayaa is-afgaradka caalamiga ah ee jira.

Xilli ay Soomaaliya si dhow ula shaqaynayso saaxiibadeeda caalamiga ah si ay u xoojiso hay’adaha dowladeed, u ballaariso dimuqraadiyadda, u horumariso dib-uheshiisiinta qaran, isla markaana ula dagaallanto argagixisada, tallaabooyinka noocan ah waxay halis gelinayaan horumarka gobolka waxayna dhiirrigelinayaan fikrado kala qaybin ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Dowladda Israa’iil inay dib u eegto oo ay ka noqoto go’aankan, isla markaana si buuxda u ixtiraamto madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, iyo guud ahaan beesha caalamka inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, kana hortagaan tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada Soomaaliya ama sharciyeynaysa sheegashooyinka gooni-goosadka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ku adkaysanaysaa go’aankeeda ah ilaalinta midnimadeeda qaran iyo xuquuqdeeda madax bannaan iyadoo adeegsanaysa dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee la jaanqaadaya sharciga caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...