Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa si rasmi ah ula kulmay Raktarka Jaamacadda, Prof. Liu Qiaoquan.
Wafdiga ayaa Raktarka uga warbixiyay shirarka iyo dood cilmiyeedkii ay ka qeyb galeen, iyagoo si faahfaahsan u sharaxay qodobbada muhiimka ah ee lagu falanqeeyay intii ay kulamadaasi socdeen.
Raktarka Jaamacadda Yangzhou ayaa wafdiga u soo jeediyay in ay ka taageeraan horumarinta Xarunta Daraasaadka Soomaaliyeed (Center for Somali Studies), si loo xoojiyo cilmi-baarista loona kobciyo fahamka qoto dheer ee arrimaha Soomaaliya.
Intii lagu guda jiray booqashada, waxaa sidoo kale la qabtay munaasabad xarig-jaris ah oo lagu daah-furayay bandhig lagu xusayay 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, taas oo muujinaysa xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dal.

