Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Liibiya, Mudane Daahir Al-Baour.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhexeeya, Wasiirrada ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha tahriibta iyo socdaalka sharci-darrada ah, gaar ahaan dhibaatada haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ee mara marinnada halista ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa mar kale ku celiyey inay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha dambiyada abaabulan iyo kuwa dadka ka ganacsada ee dhibaatada u geysta muwaadiniinta.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isku raacay in maalmaha soo socda dalka dib loogu soo celiyo ilaa 400 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah.

Ugu dambeyn, labada wasiir ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyagoo ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskudubbaridka si loo ilaaliyo xasilloonida iyo danta guud ee labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...