Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda, iskaashiga iyo horumarka dalka, waxa ayna kala yihiin.

1- Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Maamulka Garoommada Diyaaradaha Soomaaliyeed.

2- Siyaasadda-Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Howlgallada Ciidan iyo Colaadaha.

3- Hindise-Sharciyeedka La-dagaallanka Tahriibta iyo ka Ganacsiga Dadka

4- Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda.

5- Heshiiska Caalamiga ah ee ka Hortagga Falalka Sharci-darrada ah ee ka dhanka ah Bad-qabka Socdaalka Badda 2005 (Heshiiska SUA ee 20025).

6- Baratakoolka 1992 ee wax ka badalaya Heshiiska Caalamiga ah ee Masuuliyadda Madaniga ee wax-ka beddelka Wasakhowga Saliidda.

7- Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan Wadatashi Siyaasadeed.

8- Qaraarka Hirgalinta Hannaanka Tartanka Furan.

Kulanka Golaha oo uu Guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed oo deegaanno hor leh maalmahan ka xoreeyay kooxaha Khawaarijta isla markaana dadaal ugu jira sidii ay uga sifayn lahaayeen guud ahaan dalka.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga XFS, ayaa Golaha warbixin ka siiyey dadaallada dowladda ay waddo ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo dhowaanna la qorshaynayo howlgallo lagaga sifaynayo deegaannada yar ee ay wali ku suganyihiin.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumaddu waxa ay bogaadisay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo caasimadd KMG ee Baydhabo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen ciidamada qalabka sida. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidanka qaranka sidii mas’uuliyadda iyo taxadarka ku jirey ee ay u maareeyeen hawlgalkii la isugu furey waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Ugu dambeyntii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag ugu baaqaysaa dhinacyada ay colaaddu u dhexayso inay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda, iyadoo lagu dhiirigelinayo inay khilaafaadka ka dhashay deegaanka ku xalliyaan hab wadahadal iyo is-afgarad ah. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa maamulka Somaliland in uu qaataan mas’uuliyadda kaga aaddan xallinta dhibaatadan, door hogaamineedna ka ciyaaro deminta iska horimaadyada sokeeye, iyo xasilinta deegaanka.

Xukuumaddu waxay codsi u diraysaa hoggaanka dhaqanka, culimada diinta, aqoonyahanka iyo dhammaan waxgaradka deegaanka, iyadoo ka sugaysa inay u istaagaan daminta colaadda iyo xoojiyaan walaaltinnimada, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo meesha ka saaraya sababaha keena iska horimaadyada soo noqnoqda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...