Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Date:

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo “Guney”, sumadda tirsigiisuna tahay IMO 8230417.

Tani waa markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya in si rasmi ah loo sameeyo diiwaangelinta maraakiibta qaata calanka Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta aqoonsiga iyo maamulidda maraakiibta Soomaaliyeed.

Tallaabadan muhiimka ah waxay muujinaysaa dadaalka wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo casriyeynta gaadiidka badda, si loo xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta ganacsiga badda ee dalka.

Diiwaangelinta markabka “Guney” waxay fursad cusub u abuureysaa kobaca dhaqaalaha badda iyo abuurista shaqooyin.

Wasaaradda ayaa ku boorrisay ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan fursaddan, si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, dadaalladan waxay qeyb ka yihiin qorshaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, iyagoo taageeraya hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...