Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah. Heshiiskan ayaa ah tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, isla markaana ka tarjumaya kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo kaalinteeda firfircoon ee Qaramada Midoobay.
Munaasabadda saxiixa heshiiskan oo ka dhacday magaalada Madrid, waxaa kala saxiixay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Spain, Diego Martínez Belío.
Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha badda, horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, fursadaha dhalinyarada, iyo wada-shaqeynta heerarka caalamiga ah.
Dowladda Spain ayaa bogaadisay horumarka la taaban karo ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada xasilloonida iyo dib-u-dhiska qaranka. Dhankiisa, Wasiir Cali Maxamed Cumar ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la jaanqaadaya mudnaanta iyo danaha qaranka Soomaaliyeed.
