In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

Date:

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Deeqdan raashiinka ah ayaa la gaarsiiyay qoysaska ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ku nool tuulada Cal Xasan iyo deegaanno kale oo hoostaga degmada Guriceel. Gurmadkan oo isugu jira biyo-dhaamin iyo raashin ayaa ah wajiga labaad ee howlaha gurmadka ee laga fulinayo deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug, halkaas oo abaartu si weyn u saameysay bulshada.

Boqolaal qoys oo danyar ah ayaa ka faa’iideystay gurmadkan, iyadoo qaar kamid ah qoysaskaasi ay si weyn uga mahadceliyeen deeqda la soo gaarsiiyay.

Maalmihii u dambeeyay, deegaannada Galmudug waxaa ka socday dadaallo gurmad oo lagu caawinayo qoysaska ku nool miyiga ee ay abaaruhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...