Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Bashiir Cumar Nuure, iyo ku-xigeenka safiirka dowladda Sweden u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Andreas Von Uexkull, ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyey kulankaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa haweenka Soomaaliyeed.
Kulankan ka dhacay magaalada New York waxaa ka qeybgalay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya horumarinta haweenka, kuwaas oo sidoo kale ka qeybgalay shir sanadeedka haweenka adduunka ee halkaas ka socda. Soomaaliya ayaa madasha kusoo bandhigtay horumarka laga gaaray xaaladda haweenka Soomaaliyeed iyo caqabadaha weli jira.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar, oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka, ayaa ka warbixiyey dadaallada iyo tallaabooyinka ay dowladda Federaalka Soomaaliya qaadday si wax looga qabto dhibaatooyinka haweenka, gaar ahaan ansixinta sharciyo iyo siyaasado lagu ilaalinayo xuquuqdooda. Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyey beesha caalamka taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Ka qeybgalayaasha shirka ayaa Soomaaliya ku bogaadiyey dadaallada ay ugu jirto horumarinta haweenka, iyagoo kulankan ku tilmaamay mid qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda ee kor loogu qaadayo doorka haweenka Soomaaliyeed.
