Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New York.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayso ayaa sanadkan Soomaaliya uga qeybgalaya shirka sannadlaha ah ee Haweenka Adduunka, kaas oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka maanta kaga hadashay guulaha iyo horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada horumarinta xuquuqul insaanka. Waxay si gaar ah u xustay dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyadoo tilmaantay in Soomaaliya ay dib ula soo laabatay madax-bannaanideeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta haweenka.

Inta ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo wafdigeedu ku sugan yihiin magaalada New York, waxay kulammo kala duwan la qaadan doonaan qaar ka mid ah madaxda iyo wufuudda ka qeybgalaysa shirka. Sidoo kale, Wasiiraddu waxay khudbado ka jeedin doontaa shirar kale oo berrito ka dhici doona isla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...