Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ah tallaabo taariikhi ah oo lagu soo gabagabeeyay dastuurkii KMG ahaa.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ansixinta dastuurkan ay saldhig u tahay heshiis bulsho oo qeexaya awoodaha iyo waajibaadka hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda federaalka, isla markaana xoojinaya dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka.
“Ansixinta dastuurkan waxay astaan u tahay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ku dhisan sharci adag iyo kalsooni dadweyne. Tani waxay sidoo kale saldhig u tahay shaqada Wasaaradda ee ku aaddan helidda maamullo ku yimaada rabitaanka bulshada, horumarinta nidaamka federaalka, xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay hirgelinta qodobada dastuurka, si loo dardargeliyo dhismaha dowlad adag, mideysan oo waarta.
