Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan miro-dhal ah ku yeeshay caasimadda, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, xoojinta dowladnimada iyo dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray hirgelinta himilada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan xoojinta dowlad-dhiska, adkaynta nabadgelyada, ilaalinta midnimada iyo daadejinta adeegyo bulsho oo tayo leh oo gaara dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer gobol, si loo xaqiijiyo yoolalka qaran loona xoojiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
