Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Antonino Mazzocca

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada ciidan.

Taliyaha XDS ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo qalabaynta.

Dhankiisa, U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga, Captain (Navy) Antonino Mazzocca, ayaa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...