Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Axmed Cabdalla Maxamed, oo caawa ku geeriyooday gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Danjire Axmed wuxuu ahaa diblomaasi Soomaaliyeed oo si sharaf iyo hufnaan leh ugu adeegay Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo xilal diblomaasiyadeed ka soo qabtay dalalka Tunisia, Aljeeriya, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan muddadii uu ka howlgalayay magaalada Riyadh. Intii uu ku jiray waayihiisa shaqo, wuxuu door muuqda ka qaatay xoojinta joogitaanka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta xiriirrada laba geesoodka ah ee dalkeenna la leeyahay waddamadaas.

Waxaa si weyn loogu xusuusan doonaa daacadnimadiisa, xikmaddiisa, iyo u heellanaantiisa adeegga dadweynaha. Ka hor intii uusan ku biirin mihnadda diblomaasiyadda, wuxuu ahaa bare soo saaray jiilal badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxuu ahaa suxufi xirfaddiisa ka bilaabay Qeybta Afka Carabiga ee Radio Muqdisho. Noloshiisa waxay astaan u ahayd u adeegidda aqoonta, qarannimada, iyo bulshada.

Geeridiisu waxay reebtay raad muuqda oo ka mid noqon doona taariikhda diblomaasiyadda Soomaaliyeed. Wuxuu ka tegay qoys ku suntan adeegga qaranka, oo uu ka mid yahay wiilkiisa Towfiiq Axmed Cabdalla, oo ka tirsanaa shaqaalaha qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgalay Masar. Geeridiisa waxaa si qoto dheer uga tiiraanyoonaya bahda diblomaasiyadda, bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba, iyo dhammaan intii la soo shaqeysay ama garanaysay.

Wasaaraddu waxay mar kale tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuumku xilligan adag.

Ilaahay ha u naxariisto, Janatul Firdawsana haka waraabiyo, samir iyo iimaanna haka siiyo dhammaan intii ka tiiraanyeysan geeridiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...