Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Date:

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ay qabteen uga hadlay tallaabooyinka lagu wiiqay dhaqaalihii baadda ahaa ee ay kooxda khawaarijtu ka qaadi jireen muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Cadaala oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saaray sidii loo curyaamin lahaa ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen khawaarijtu, isagoo xusay in guul weyn laga gaaray dadaalladaas. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay qorshayaasha lagu joojinayo baadda sharci darrada ah ee shacabka laga qaadi jiray.

Dhankiisa, Wasiir Farataag ayaa caddeeyay in lacagaha ay qaadaan khawaarijtu aysan ahayn sako, balse ay tahay baad ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in arrintan si cad loo iftiimiyay, loona baahan yahay in bulshada laga wacyigeliyo.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Cismaan Axmed, ayaa adkeeyay in baadda ay qaadaan khawaarijtu aysan wax shaqo ah ku lahayn sakada Islaamka, isla markaana aysan jirin wax sharci ah oo ay ku saleysan tahay.

Wasiir Xasan Macallin ayaa isna sheegay in argagixisadu ay shacabka ku disho maal ay si qasab ah uga qaaddo, taas oo muujinaysa halista dhaqaale iyo mid amni ee ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiir Jamaal ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan bixinta lacagaha ay kooxdaasi ku sheegto canshuur, isagoo ku tilmaamay baad sharci darro ah oo lagu dhibaateynayo shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...