Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Dadaallada Xasilinta.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee ku howlan arrimaha xasilinta. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qiimeynta baahiyaha jira, kala hormarinta faragelinta, caqabadaha taagan, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada ka socda deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ka qaybgalay kulanka ayaa adkeeyay muhiimadda mideynta dadaallada, dejinta mudnaanta qorsheyaasha, iyo is-waafajinta howlaha socda. Waxay sidoo kale muujiyeen go’aan adag oo ku aaddan hirgelinta iyo horumarinta dadaallada xasilinta ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...