Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Date:

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha ee Liibiya iyo Giriiga, xilli tirada dadka socotada ah ee ku dhintay badda Mediterranean-ka ay sii kordhayaan.

Booliska Liibiya ayaa helay meydadka shan qof oo magangalyo doon ah oo ku soo caariyay xeebta u dhow caasimadda Tripoli, iyadoo dhanka kale mas’uuliyiinta Giriigga ay ku dhawaaqeen dhimashada saddex qof oo kale oo iyaguna laga helay xeebta Crete.

Wakaaladda Wararka ee Athens ayaa Sabtidii sheegtay in mas’uuliyiintu ay soo heleen saddex meyd ah, isla markaana ay badbaadiyeen ugu yaraan 20 qof ka dib markii doon alwaax ah oo siday muhaajiriin iyo magangalyo doon ah ay ku degtay xeebta Crete.

Inta badan dadkii badbaaday waxay ahaayeen Masaari iyo Suudaan, sida la sheegayna waxaa ku jiray afar carruur ah oo aan qaan-gaarin.

Meydadka Liibiya waxaa Sabtidii helay dadka deggan magaalada xeebta ee Qasr al-Akhyar, sida uu sheegay sarkaal booliis ah Hassan Al-Ghawil,wuxuuna intaa raaciyay in dhammaan meydadkaasi oo ahaa dad madow ah ay ku jireen laba haween ah.

Musiibadaan ayaa timid toddobaadyo ka dib markii Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ay sheegtay dhimashada konton iyo saddex muhaajiriin ah, ka dib markii doon caag ah oo ay saarnaayeen 55 qof ay ku degtay xeebta magaalada Zuwara ee galbeedka Tripoli.

Sidoo kale dhimashada dadka tahribka ah ayaa timid xilli mas’uuliyiinta Giriiggu ay ka jawaabayeen dhacdo kale oo ka dhacday bariga Mediterranean-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...