Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa la gaarsiiyay gurmad raashin ah, si loo yareeyo saameynta daran ee ay abaartu ku reebtay noloshooda.
Gargaarkan oo isugu jira raashin daruuri ah sida bariis, bur, sonkor, saliid iyo timir, ayaa loogu talagalay qoysaska nugul ee ay ku adkaatay helitaanka cunto ku filan, kaddib hoos u dhaca roobabka iyo saameynta dhaqaale ee ka dhalatay abaarta daba dheeraatay.
Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay in baahida jirta ay weli ballaaran tahay, iyagoo ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo bulshada inteeda kale in ay xoojiyaan taageerada loo fidinayo dadka tabaaleysan.
Waxay sidoo kale tilmaameen in gurmadkan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu doonayo in lagu badbaadiyo qoysaska xaaladaha adag ku jira.
Qoysaska la gaarsiiyay gargaarka ayaa muujiyay farxad iyo mahadcelin, iyagoo xusay in ay si weyn ugu baahnaayeen taageeradan, maadaama ay wajahaan duruufo nololeed oo adag.
