Madaxweynaha JFS oo baaq ku aaddan Gurmadka Abaaraha u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta munaasabadda bilashada bisha barakeysan ee Ramadan. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is-garab istaagaan oo ay gurmad u fidiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo habeen iyo maalin, qorrax iyo dhaxanba u taagan difaaca nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyaan sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud, isaga oo xusay in amnigu yahay tiirka koowaad ee horumarka, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo midnimada iyo wadajirka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...