Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Date:

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo Taalada ah booqasho rasmi ah ku imaanaya Magaalada Addis Ababa, ee caasimada dalka Ethiopia si Ankara ay sare u qaado xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya qaaradda Africa.

Inta booqashada uu ku joogo Addis Ababa, isaga iyo wafdigiisa waxa ay kulan la qaadanayaan ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, waxana la filayaa in ay wada saxiixdaan heshiisyo ayna wada qabtaan shir jara’id kadib kulamada sida ay ku waramayso wakaalada wararka u faafisa Turkiga Anadulu.

Jara’id kale ee Turkiga, Daily Sabah ayaa shalay daabacay in Erdogan uu booqasho hal maalin ku tagayo Abu Dhabi, caasimada Isu-tagga Emerate-ka Carabta balse ma suura-gelin oo waa uu ka baaday balse waxa ay Daily Sabah ku sheegtay ujeedada booqasha in ay qayb ka tahay dadaalkiisa dib diblomasiyadeed ee xasiloonida gobalka iyo in Ankara ay sare u qaado xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya Khaliijka iyo Africa.

Waxa ay intaasi ku dartay in Madaxweyne Erdogan uu sidoo kale la soo qaadayo dhowrista Madax bananida, midnimada dhuleed iyo wadajirka Soomaaliya.

Erdogan ayaa horaantii bishan booqosha ku kale bixiyey dalalka Masar iyo Sacudi Carabiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda...