Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Date:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM [African Peer Review Mechanism (APRM)], oo ah habraac uu aas-aasay Midowga Afrika si dalalka xubnaha ahi ay isu qiimeeyaan, isu la xisaabtamaan, isla markaana u horumariyaan maamul wanaagga, hufnaanta iyo tayada hay’adahooda dowladeed.

Ku biiristan ayaa lagu xaqiijiyay intii uu socday Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka iyo Dowladaha ee APRM, halkaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, uu ku saxiixay Heshiiska Is-afgaradka ku biirista (MoU), taas oo muujinaysa go’aan heer qaran ah oo lagu xoojinayo hannaanka dib u habaynta dowladeed.

APRM ma aha hannaan kormeer dibadeed oo lagu farageliyo dalalka, balse waa nidaam ay dowladuhu si ikhtiyaari ah ugu oggolaanayaan in la qiimeeyo siyaasaddooda, hay’adahooda iyo nidaamyadooda maamul si loo ogaado meelaha horumar laga sameeyay iyo meelaha u baahan dib u habayn iyo tayeyn. Tani waxay kor u qaadaysaa isla xisaabtan, wadaagis khibradeed, iyo isbarbardhig wax ku ool ah oo u dhexeeya dalalka Afrika.

Ku biirista Soomaaliya ee APRM waxay caddeyn u tahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga, dhisidda hay’addo dowladeed oo hufan oo isla xisaabtan leh, maareyn dhaqaale oo mas’uuliyad ku dhisan iyo horumar bulsho oo loo dhan yahay.

Tallaabadani waxay sidoo kale sii xoojinaysaa kaalinta Soomaaliya ee qaab dhismeedka Midowga Afrika, iyada oo la jaanqaadaysa himilooyinka Ajandaha 2063: Afrikada aan doonayno, kana tarjumaysa dadaallada joogtada ah ee lagu adkaynayo nabadda, xasiloonida iyo horumarka waara.

Ku biirista APRM waa astaan muujinaysa in Soomaaliya ay si kalsooni leh uga qaybqaadanayso hannaannada wadajirka ah ee qaaradda, iyada oo door firfircoon ka qaadanaysa kor u qaadidda maamul wanaagga iyo iskaashiga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiirka Beeraha oo booqasho ku tegay qaar ka mid ah beeraha degmada Afgooye

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed...

Safiirka JFS ee K/afrika oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika,...