Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Dr. Nabiil Maxamed Axmed.

Wasiirka Tacliinta Sare ee Jabuuti ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta tayada waxbarashada, xoojinta iskaashiga dalalka gobolka, iyo dardargelinta hirgelinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee waxbarashada dalka.

Soo dhaweynta Wasiirka ayaa muujinaysa xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo wadashaqeyn dhow oo ka dhexeeya Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta aqoonta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo ka qeyb galay shirka Sirdoonka Dalalka Carabta

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad...