Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Date:

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa dib-u-dhis ballaaran ku samaysay Iskuulka Farsamada Gacanta ee Maxamuud Axmed Cali, kaas oo ku yaalla degmada Kaaraan.

Munaasabad lagu daah-furayay iskuulka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Gobolka Banaadir, maamulka degmada Kaaraan, macallimiin, arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Marwo Nuuro Mustaf, oo munaasabadda ka hadashay, ayaa sheegtay in dib-u-dhiska iskuulkan uu yahay mid qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda ee lagu horumarinayo waxbarashada farsamada iyo xirfadaha gacanta (TVET), si dhalinyarada Soomaaliyeed loo siiyo xirfado ay noloshooda ku maareyn karaan.

Waxay si gaar ah ugu dardaarantay bulshada degmada Kaaraan, gaar ahaan waalidiinta iyo dhalinyarada, in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee uu bixinayo iskuulkan, iyadoo carrabka ku adkeysay in helidda jiil xirfadlayaal ah ay laf-dhabar u tahay horumarka dalka iyo yareynta shaqo la’aanta dhalinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...