Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar leh dhaqaalaha iyo adeegyada Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...

Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?

Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo aad loogu garan og...