Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Jigjiga.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar ayaa hoggaaminaya soo dhaweynta bulshada deegaanka.

