𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐑𝐂 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚.

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta SoDMA ee Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday Hay’adda IRC Somalia.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka-jawaabista masiibooyinka, gaar ahaan kordhinta diyaargarowga masiibooyinka, iyo dhismaha bulshooyin adkaysi u leh saameynta masiibooyinka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo iyo hirgelinta barnaamijyo waara oo lagu xoojinayo awooda bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah iyo wada-shaqeyn hufan, si loo xaqiijiyo ka-jawaabid degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha iyo hantida shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...