Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta SoDMA ee Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday Hayโadda IRC Somalia.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka-jawaabista masiibooyinka, gaar ahaan kordhinta diyaargarowga masiibooyinka, iyo dhismaha bulshooyin adkaysi u leh saameynta masiibooyinka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay isku-duwidda gargaarka baniโaadannimo iyo hirgelinta barnaamijyo waara oo lagu xoojinayo awooda bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah iyo wada-shaqeyn hufan, si loo xaqiijiyo ka-jawaabid degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha iyo hantida shacabka.
