Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Date:

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo uu hoggaaminayay General Seán Clancy, Guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midowga Yurub (CEUMC).

Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS), Mudane Jonas Jonsson.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga la wadaagay dadaallada dowladda ee dib-u-xoraynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah iyo xaqiijinta amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...