Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Date:

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo sanadkan ay martigelisay Soomaaliya, waxaa shir-guddoominaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo ah Guddoomiyaha Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ee sanadkan.

Shirka ayaa la filayaa in uu ka soo qeyb galo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya Wasiirrada Maaliyadda dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Inta uu socdo shirkan oo maanta qabsoomaya, mas’uuliyiinta heer wasiir ee ka qeybgalaya, wakiillo ka socda Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, Dowladda Ingiriiska, Ururka IGAD, iyo hay’adaha kale ee maaliyadda iyo dhaqaalaha ee heer gobol iyo caalami ah ayaa ka wada hadli doona xoojinta iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan ka faa’iideysiga tamarta Geeska Afrika iyo horumarinta isdhexgalka dhaqaalaha.

Shirka ayaa la filayaa in gabagabadiisa laga soo saaro war-murtiyeed ku wajahan dardargelinta iskaashiga dhaqaale iyo ka faa’iideysiga fursadaha wadajirka ah ee tamarta iyo horumarinta dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika.

Shirkan ayaa ah mid lixdii biloodba mar la qabto, iyadoo diiradda lagu saaro iskaashiga dhaqaale, wax-soo-saarka iyo horumarinta isku-xirka dalalka Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...