Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Islamabad ayaa kulan heer sare ah oo miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan Mudane Asif Ali Zardari.

Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada siyaasaddeed iyo tan diblomaasiyadeed ee Dowladda Pakistan ay siiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan ololaha joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallamayso kooxaha argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweynaha Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari, ayaa mar kale adkeeyay mowqifka mabda’a ah ee dalkiisu ka taagan yahay taageerada iyo ilaalinta madax-bannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay diyaargarowga Pakistan ee sii xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta nabadda, xasilloonida iyo dadaallada dhismaha dowladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...