Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan (NDMA), halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Inam Haider Malik oo ay wehliyaan hoggaanka sare ee NDMA.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Guddoomiyaha NDMA ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee hay’adda iyo nidaamyada casriga ah ee maareynta masiibooyinka ee dalka Bakistaan.

U jeedka booqashadan ayaa ah is-weydaarsiga khibradaha, wadaagidda aqoonta, iyo xoojinta awoodaha hay’adaha, iyada oo la tixgelinayo waayo-aragnimada NDMA Pakistan iyo dadaallada SoDMA ee ku aaddan dhismaha nidaam qaran oo lagu maareyn karo masiibooyinka dalka.

Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NDMA Maxamuud iyo Maalik ayaa si buuxda isugu afgartay xoojinta iskaashi farsamo oo joogto ah, kaas oo ku saleysan wada-shaqayn, is-dhaafsi aqoon iyo dhisidda nidaamyo maareyn oo adkaysi iyo waxtar rasmi ah leh bolshooyonka labada waddan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...