Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, oo qeyb ka ah Bangiga Adduunka Marwo Mary Porter Peschka, oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda, gaar ahaan hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029), kaasi oo ah hiigsi weyn oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta shirkadaha gaarka loo leeyahay, xoojinta ka-qaybgalka mashaaariicda dheef wadaagga ah iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah ee Bariga Afrika, doorka ay ka qaadanayso taageerada maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay kobac dhanka dakhliga ah.

Dhankeeda Marwo Mary Porter Peschka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaaddiisa, iyada oo xustay in ay xoojinayaan wada-shaqaynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...