Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada wasaaradood iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’adaha bulshada ee labada dal.

Kulanka waxa ka soo baxay in la dhiso koox farsamo oo wadajir ah si ay u diyaariyaan Heshiis Iskaashi (MoU) oo u dhexeeya labada wasaaradood, kaas oo lagu dardargelinayo barnaamijyada lagu xoojinayo dhismaha awoodda hay’adaha bulshada. Wasiir Prof. Salim ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah iyo walaaltinimada ay u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo ku adkeeyey odayaasha dhaqanka Waqooyi bari xoojinta midnimada,nabadda iyo dowlad-dhiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...