Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Date:

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka amni-darrada iyo curyaaminta dhaqaalaha shacabka.

Dhagar qabe Maxamuud Shariif Xuseen ayaa kooxda khawaarijta u qaabilsanaa saddex shaqo oo khatar ah kuwaas oo kala ahaa inuu waddooyinka ku aasi jiray miinooyinka lagu waxyeeleeyo gadiidka Ciidanka Ammaanka iyo kuwa dadweynaha.

Sidoo kale dhagarqabaha ayaa khawaarijta u qaabilsanaa inuu u gudbiyo xogtada ganacsatada gobolka Gedo si khawaarijta u dhacdo ganacsaada hantidooda wuxuu sidoo kale u qaabilsanaa gudbinta saadka khawaarijta.

Dhagarqabahan ayaa waxa gacantiisa ku maqan sida uu qirtay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska degmada Baardheere kaas oo uu ku dilay qarax miino isagoo dhagarqabuhu qirtay in ay qaraxan wada fuliyeen dhagarqabe kale oo lagu magacaabo Aadan Dheere.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...