Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Date:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda Dawladda walaalaha nahay ee dalka Qatar taas oo ku taala caasimadda Jamhuuriyadda Ukraine, Kyiv,taas oo loo geystay duqayn.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa mabda’a aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee ah in goobaha diblomaasiyadeed yihiin kuwo aan la taaban karin, iyadoo xoogga saaraysa waajibka saaran dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan dhismayaasha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda, si waafaqsan Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

Soomaaliya waxay muujinaysaa garab staaggeeda buuxa ee Dawladda Qatar iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, waxayna ku baaqaysaa in si buuxda loo dhowro shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, lana xaqiijiyo badbaadada dhammaan hay’adaha diblomaasiyadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku celinaysaa mowqifkeeda ku aaddan taageeridda nabadda, xasilloonida, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...