Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo Casriyeeyay

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xarigga ka jaray mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale iyo masuuliyiin kale.

Mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo soo socday muddo sannad ah,ayaa u suurtageliyey Radio Muqdisho in uu helo qalab casri ah oo noocii ugu dambeeyey ah iyo in Raadiyaha uu yeesho Laba Istuudiyo oo iskumar si siman hawada u geli kara hadii loo baahdo.

Agaasimaha Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/Fataax Dahir Jayte oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda xarig jarka Istuudiyeyaasha,ayaa Madaxda Wasaaradda ee uu Wasiirka hoggaaminayo uga mahadcelinyey taageerrada joogtada ah ee ay Raadiyaha la garab taagan yihiin, waxaana uu tilmaamay in qalabkan oo qeyb ka mid ah uu Raadiyahu ka faa’iiday wada shaqeynta BBC Media Action.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Istuudiyaha 7aad ee Radio Muqdisho ka hadlay ayaa ugu horreyn bogaadiyey hawlwadeennada Raadiyaha, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay in hirgelinta mashruucaan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto hormarinta Warbaahinta Qaranka si shacabka Soomaaliyeed loo wacyi geliyo mar walba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...