Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jawad Ari ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayay kooxda Khawaarijta, ayaa inta uu socday ciidanka waxa ay gacanta ku dhigeen qaraxyo khawaarijta ku dhibaateen rabtay shacabka Soomaaliyeed iyo agabyo kale oo ay ka carareen, waxana ciidanka sidoo kale soo bandhigeen goobo gabaad u ahaa khawaarijta oo ay iskaga firxadeen.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Sayidnuur Daahir (Afgub), iyo Kaaliyaha Ururka, Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare).

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howlgallo culus oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta. Geesiyada isgarabsanaya ee Ciidanka XDS ayaa guulo waaweyn ka gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...