Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jiray laamiga Nasiib buundo ee Degmad Shibis.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr.Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray laamiga cusub ee Nasiib Boondoo oo laga hirgeliyey Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ayuu Duqa Muqdisho ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay qorshaha ballaaran ee Maamulka Gobolka Banaadir u dajiyay dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka. Wuxuu sheegay in himiladoodu tahay in Muqdisho noqoto caasimad nabdoon oo horumarsan, la jaanqaadaysa kuwa kale ee caalamka.

“Magaalada Muqdisho waxaan rabnaa in sanadka 2026 laga waayo wado laami ah oo dumiya ama bacaad ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. “Waddooyinka la dhisayo waa in shacabka ilaashadaan, lagana daayo ku shubidda biyaha wasaqda ah.”

Duqa Muqdisho wuxuu sidoo kale ku booriyay bulshada inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo sugo xasilloonida, maadaama amnigu uu saldhig u yahay horumarka iyo koboca adeegyada bulshada.

Xarig-jarka laamigan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu hagaajinayo bilicda iyo isku socodka caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...