Bannaanbax looga soo horjeedo damaca YH-da Israel oo ka socda degmada Afgooye. 

Date:

Bannaanbax weyn oo si nabadeed u dhacay ayaa maanta ka qabsoomay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo looga soo horjeeday faragelinta sharci-darrada ah ee Israa’11l ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Shacabka degmada Afgooye oo ay hormuud u ahaayeen culimada, dhallinyarada, haweenka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa si isku duuban u muujiyay dareenkooda ku aaddan tallaabada ay Israa’11l ku doonayso in ay ku carqaladeyso midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bannaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah damaca Israa’11l, waxayna ku baaqayeen in loo midoobo difaaca qarannimada, iyadoo la adkeynayo wadajirka shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa sidoo kale laga dareemay bannaanbaxa in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba oggolaan doonin wax kasta oo wiiqaya qaranimadooda.

Ugu dambeyn, banaanbaxani wuxuu ka mid yahay mowjadaha muujinta dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah faragelinta dibadda, iyadoo magaalooyin badan oo dalka ah laga dareemayo isu-soo-baxyo ujeedkoodu yahay midnimo, is-difaac iyo ka hortag colaado cusub oo lagu soo abaabulayo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...