Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Date:

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Shacabka ayaa si weyn u muujiyey sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Yuhuuddu kula kacday midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed,waxay ba shacabku si weyn dunida u tuseen in ay ka go’an tahay difaaca dalkooda.

Degmooyinka Hobyo, Dhuusamarreeb iyo Guriceel ayey shacab si weyn ugu dhigeen isu soo baxyo balaadhan oo si weyn ugu muujiyeen shucuurtooda.

Degmooyinka iyo deegaanada kale ee maamul goboleedka Galmudug ayey iyagana si weyn uga socdaan banaanbaxyo waaweyn oo shacabku ku muujinayaan difaaca midnimada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...

Banaanbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xadgudubka israa’iil oo ka socda Muqdisho

Waxa guud ahaan ba degmooyinka gobolka Banaadir ka socda...