Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil in ay ku xadgudubto madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa uu jeediyay intii uu socday fadhigii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo khudbaddiisa lagu caddeeyey walaaca Soomaaliya ku aaddan faragelinta Israa’iil.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ku adkeeyey in xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya uu yahay tallaabo ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambayn, Safiirka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, madaxbannaanida dalalka, iyo midnimada Soomaaliya, isagoo mar kale xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee Soomaaliya u heysato beesha caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...

Banaanbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xadgudubka israa’iil oo ka socda Muqdisho

Waxa guud ahaan ba degmooyinka gobolka Banaadir ka socda...