Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka yihiin Wasiirka Wasaaradda, wasiir-ku-xigeennada iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabeelle, Mudane Yaasiin Axmed Maxamuud, oo hooyadii Maryan Axmed Kulmiye ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle waxay Alle uga baryayaan marxuumadda in uu ku mannaysto naxariistiisa Janno; Agaasime Yaasiin iyo dhammaan ehelkana uu ka siiyo samir iyo iimaan, qalbiyadoodana uu u qaboojiyo.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
