Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Date:

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’ado caalami ah oo si cad uga soo horjeestay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, oo ah qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan go’aankii Tel Aviv toddobaadkii hore ku dhawaaqday, ayaa sheegay in Beijing ay arrintan ka walaacsan tahay isla markaana si adag uga soo horjeeddo. Wuxuu xusay in dalal iyo ururro caalami ah oo badan ay horay u diideen una cambaareeyeen tallaabadaas.

Lin Jian ayaa carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu si buuxda u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana uu Somaliland u arko qayb aan laga goyn karin dalka. Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedi karta kala-qaybsanaanta dhulka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrinta Somaliland ay tahay mid gudaha u gaar ah oo ay tahay in Soomaalidu iyagu si waafaqsan danahooda qaran u xalliyaan.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale ugu baaqay waddamada ka baxsan gobolka in ay joojiyaan faragelin kasta oo aan habboonayn, isagoo adkeeyay in aysan jirin dowlad xaq u leh taageeridda ama garab-istaagga kooxo gooni-u-goosad ah si ay u gaaraan dano gaar ah.

Sidoo kale, Lin Jian wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si dhab ah u fahmaan jihada ay xaaladdu u socoto, isla markaana ay joojiyaan tallaabo kasta oo gooni-u-goosad ah iyo iskaashi lala yeesho quwadaha shisheeye.

Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah in ay si buuxda u diidan tahay aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, iyadoo ku adkaysatay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana heshiis ama xiriir toos ah oo lala yeesho ay u aragto mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...