Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka ayaa kulan la qaatay, mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta ku matala, Gobolada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay tallooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku aadan, hannaanka loo wajahayo, ka hortagga fara-galinta shisheeye iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo ka dalbaday in ay qaataan doorkooda ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo wadajirka Ummadda soomaaliyeed.

Dhankooda, mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Baaralamaanka dalka ku matala Gobolada Waqooyi ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay, dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo ballan qaaday in ay kaalintooda ka qaadandoonaan, Ololaha Qaran ee looga hortagayo kala qaybinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...