Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho 25-kii Diseembar 2025, isagoo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed sida ay doorashooyinku ugu dhaceen si deggen oo nidaamsan.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qabsoomidda doorashooyinkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo bilow ah oo ka tarjumaysa dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku horumarinayso maamul dimuqraadi ah guud ahaan dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu carrabka ku adkeeyay in doorashooyinka heer degmo ay door weyn ka qaataan xoojinta ka-qaybgalka dadweynaha ee maamulka, isla markaana ay siinayaan waayo-aragnimo muhiim ah geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorasho ee ay Soomaaliya iyadu hoggaaminayso.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu mar kale xaqiijiyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono garab istaagga iyo la-socodka shacabka Soomaaliyeed, dadaalladooda ku aaddan dhismaha maamul loo dhan yahay, iyo hirgelinta nabadda iyo xasilloonida waarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...

Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa...

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...