Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa si weyn u soo dhaweeyay qabashada doorashooyinka tooska ah ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay ee noocan ah tan iyo sannadkii 1969-kii.

Guddoomiyuhu wuxuu doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah horumarinta geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowliga ah, xoojinta dimuqraadiyadda iyo muwaadinnimada, iyo ballaarinta ka-qaybgalka dadweynaha.

Al-Yamaaxi wuxuu hoosta ka xarriiqay in doorashooyinkani ay yeelan doonaan saameyn togan gudaha dalka, gaar ahaan dhinaca taageeridda dadaallada Soomaaliya ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan xoogagga siyaasadeed ay midnimo muujiyaan, mudnaanta siiyaan danaha qaranka, isla markaana doortaan wadahadal iyo is-afgarad.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay taageerada buuxda ee golahaasi uu u hayo dadaallada lagu gaari karo amni, xasillooni iyo horumar waara oo ay ku tallaabsato Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...